Is-dilku waa mid ka mid ah mowduucyada ugu adag ee laga hadlo, haddana waa mid si qoto dheer u saameeya shakhsiyaadka, qoysaska, iyo bulshada oo dhan. Markasta oo aan si fiican u fahamno, waxaan noqonaynaa kuwo u diyaarsan inaan kaga jawaabno naxariis, jebino ceebaynta bulshada, oo aan bixino taageero.
Waa maxay Is-dilku?
Is-dilku waa in qofku noloshiisa soo afjaro. Dadka qaar, waxay ula muuqan kartaa habka kaliya ee ay kaga baxsadaan xanuunka — hadday ahaan lahayd xanuun dareen, maskax, ama xataa mid jireed. Isticmaalka weedha ah "wuxuu u dhintay is-dil" (died by suicide) halkii laga isticmaali lahaa weedho hore oo xukun xambaarsan sida "wuxuu galay is-dil" (committed suicide), waxay gacan ka gaysataa in laga fogaado xukunka oo diiradda la saaro naxariista.
"Isku-day is-dil" waa marka qofku isku dayo inuu noloshiisa soo afjaro laakiin uu badbaado. Tani waa calaamad digniin oo halis ah oo muujinaysa inay u baahan yihiin taageero degdeg ah oo joogto ah.
Maxay doodani muhiim ugu tahay bulshadeena?
In kasta oo dad badani u malaynayaan in is-dilku ku yar yahay bulshooyinka Muslimka ah, cilmi-baadhistu waxay muujinaysaa si ka duwan. Daraasad ay samaysay Jaamacadda Stanford ayaa lagu ogaaday in Muslimiintu ay labanlaab uga dhow yihiin inay isku dayaan is-dil marka la barbardhigo dadka diimaha kale. Canada oo kaliya:
Tirakoobyadan waxay ka dhigan yihiin in aamusnaantu aysan ahayn doorasho. Iimaanka, bulshada, iyo dhaqanka waa ilo awood badan oo rajo laga heli karo; laakiin taasi waxay dhacaysaa oo kaliya haddii aan si furan u hadalno oo aan bixinno caawimo la heli karo.
Haddii aad la halgamayso fikradaha is-dilka, fadlan xasuuso inaadan adigu ahayn fikradahaaga, kaligaana ma tahid. Waxa hadda dareemaya inay joogto yihiin waxay isbeddeli karaan waqti ka dib, taageero, iyo agabka saxda ah ee lagula tacaalo.
Halkan waa 7 hab oo wax ku ool ah oo ka caawinaya maaraynta xilliyada culayska badan:
1. Ha rumaysan fikir kasta oo kugu soo dhaca
Waxaan yeelanaa 50,000–70,000 oo fikir maalintii. Dhammaantood maaha kuwo caqli-gal ah, waxtar leh ama noo adeegaya. Waa muhiim inaad kala shaandhayso fikradaha iska yimaada, kuwa xun, ama kuwa is-burburinta ah. Maskaxdaadu waxay ku tusi kartaa muuqaallo rajo la'aan ah marka aad ku jirto xanuun dareen, balse had iyo jeer ma turjumaan xaqiiqada.
2. Dareenadu maaha xaqiiqooyin
Sababtoo ah inaad dareemayso wax xun macnaheedu maaha inay xaaladdu xun tahay. Dareenadu way yimaadaan, waana tagaan. Waa muhiim inaad xasuusato waqtiyo aad dareentay dareen kan la mid ah oo haddana iska gudbay. Waxaad dareemi kartaa rajo la'aan, laakiin dareemadaasi waa ku-meel-gaar; ma qeexaan qiimahaaga ama mustaqbalkaaga.
3. Dib u qaabe fikirkaaga
U beddel "Ma jirto waddo looga baxo" una beddel "Weli ma helin waddadii aan kaga bixi lahaa." Isbeddellada yaryar ee luqadda ayaa beddeli kara aragtidaada. Is weydii: Ma run baa inaan rabo inaan noloshan ka baxo, mise waxaan rabaa uun inaan dhibaatadan ka baxo? Ma xanuunkaygii baan soo afjarayaa, mise xanuunka ayaan u wareejinayaa ehelkayga aan ka tagayo?
4. Magacow si aad u xakamayso (Name it to tame it)
Aqoonso waxa aad dhab ahaan dareemayso. Inaad kala jebiso dareenkaaga waxay ka dhigaysaa mid aan aad u xoog badnayn oo aan cabsi badnayn. U bixi magac dareenkaaga: “Waxaan dareemayaa walwal,” “Waxaan dareemayaa cidlo.” Inaad magacowdo waxa dhacaya waxay kaa caawinaysaa inaad dareento in xaaladdu gacantaada ku jirto.
5. Iska soo faaruqi maskaxda (Brain dump)
Qor wax kasta oo ku dhibaya adigoon is-shirbayn ama is-xukumayn. Inaad maskaxda ka soo saarto culayska waxay kaa caawinaysaa inaad si firfircoon u wajahdo waxyaabaha kiciya fikradaha is-dilka, waxayna yaraysaa culayska maskaxeed.
6. Samee jadwal nololeed oo dhammaystiran
Samee jadwal iyo qorshe maalmeed adigoo dejinaya yoolal. Isku naxariiso xataa haddii aad hal yool oo kaliya ka gaarto liiskaaga! Marka dareenka murugadu sarreeyo, isticmaal habab fudud oo daryeelka nafta ah. Marka firfircoonidu kordho, samee jimicsi, yoga, ama la bax asxaabta. Nidaamku wuxuu keenaa degganaansho xilliyada ay dareemadu kacsan yihiin.
7. Raadi taageero
La hadal qof aad ku kalsoon tahay; tani waxay noqon kartaa saaxiib, xubin qoyska ah ama qof aad wada shaqaysaan. Caawimo xirfad leh ayaa la heli karaa 24/7 iyadoo loo marayo khadadka ka hortagga is-dilka iyo adeegyada caafimaadka maskaxda ee Muslimiinta.
Halkan ayaan kuu joognaa
Haddii aad ku jirto khatar degdeg ah, fadlan wac 911 ama Talk Suicide Canada lambarka 1-833-456-4566. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Nisa Mental Health si aad u hesho 5 fadhi oo la-talin xirfad leh oo bilaash ah, ama Nisa Helpline; oo ah khadka caawinta ee qarsoodiga ah oo la heli karo 16 saacadood maalintii, kuna hadla 5 luqadood oo kala duwan.