DEEQ
Sheekada Zara waa mid xambaarsan geesinnimo, rajo, iyo badbaado. Waxay la wadaagaysaa safarkeeda si ay u xoojiso haweenka kale si ay u raadsadaan badbaado iyo bogsiin — iyo inay iftiimiso haweenka tirada badan ee weli wajahaya halgan kan la mid ah.
“Waxaan ku soo koray anigoo ah curad u ah todoba carruur ah, waxaana markhaati ka ahaa wax ka badan inta ay tahay in ilmuhu arko. Inta badan waxaan arki jiray hooyaday oo la riixayo, loogu hanjabayo, lagu qaylinayo, lana garaacayo. Rabshadaha iyo cabsidu waxay qayb ka ahaayeen nolosheena maalinlaha ah, muddo ka dibna, waxay bilaabeen inay u muuqdaan wax iska caadi ah.
Waxaa kaloo jiray xilliyo wanaagsan — sida cuntooyinka aan wada cunno iyadoo aanay jirin wax kacsanaan ah. Muuqaaladaas yaryar waxay iga dhigeen inaan aamino in guurku yahay isku dhaf jacayl iyo dhibaato; in tani ay tahay sida ay xidhiidhada u shaqeeyaan.
Sidaa darteed, markii la gaadhay xilligii aan la kulmi lahaa dadka soo doonaya guurka, ma garan calaamadaha digniinta ah (red flags). Muujinta cadhada ama ixtiraam-darrada ima werwerin; waxaan naftayda u sheegay inay tahay uun qayb ka mid ah dabeecadda ninka. Ma aanan fahmin xilligaas in wixii aan ku soo koray araggooda aanay caadi ahayn — ee ay ahaayeen xadgudub.
Natiijo ahaan, waxaan isku arkay guur ka tarjumaya wax badan oo ka mid ah wixii aan ku soo koray araggooda. Calaamaduhu waxay joogeen tan iyo bilowgii — cadhada, xakamaynta, ixtiraam-darrada — laakiin waxaan naftayda ku qanciyey in xaaladdu soo wanaagsanaan doonto. Taa beddelkeeda, way ka sii dareen uun. Sannadihii la soo dhaafay, xadgudubku wuxuu noqday mid soo noqnoqda oo aad u daran."
"Markii aan uurka u lahaa ilmahaygii afraad, waxaan gaadhay heerkii ugu dambeeyay ee dulqaadka (breaking point). Waxaan ogaaday inaanan sii wadi karin ku noolaanshaha xaaladdan, mana oggolaan karin in carruurtu ay ku koraan iyagoo aaminsan in tani ay tahay wax iska caadi ah. Waxaan go'aansaday in maalintaas ay noqoto markii ugu dambaysay ee la i garaaco. Anigoo aan lahayn khibrad shaqo, waxbarasho dugsi sare ka dib ah, iyo il dakhli toona, ma aanan garanayn meel aan u jeesto — ilaa aan caawimo weydiistay Nisa Foundation."
"Taageeradii aan ka helay Nisa Foundation iyada oo loo marayo barnaamijkooda hoyga ku-meel-gaadhka ah waxay ahayd mid noloshayda beddesha. Shaqaalaha kiisaska (caseworkers) waxay igu hageen tallaabo kasta oo ka mid ah nidaamka sharciga, waxayna iga caawiyeen inaan barto xirfadaha dhabta ah ee aan u baahnaa si aan nolosha dib uga bilaabo.
Alxamdulillaah, hadda waxaan si nabad ah u degganahay gurigayga oo guri dabaq ah (apartment) aniga iyo carruurtayda. Waxaan dib u dhisaynaa nolosheena. Markii ugu horreysay muddo sannado ah, waxaan dareemayaa rajo ku saabsan mustaqbalkayaga.”
*Sheekadan waxay ku salaysan tahay macmiil dhab ah oo ka tirsan Nisa Foundation. Si kastaba ha ahaatee, magacyada iyo faahfaahinta lagu garan karo qofka waa la beddelay si loo ilaaliyo sirta dhammaan dadka ku lugta leh.*
Sheekada Zara waa mid ka tarjumaysa adkaysi, geesinnimo, iyo rajo — laakiin waxaa jira haween kale oo badan oo la mid ah iyada oo u baahan taageero si ay noloshooda dib ugu dhistaan una helaan badbaado.
Markaynu xusayno 16-ka Maalmood ee Ololaha ka dhanka ah Rabshadaha ku salaysan Jinsiga, waxaa nala xasuusinayaa in abuurista isbeddel dhab ahi ay u baahan tahay ficil — ma aha oo kaliya 16 maalmood, laakiin maalin kasta. Si aad u samayso saameyn waarta, noqo deeq-bixi bixiya bil kasta. Joojinta meertada xadgudubka waxay ka dhigan tahay inaan u istaagno si wadajir ah si aan kor ugu qaadno wacyigelinta, u taageerno dadka ka badbaaday rabshadaha, una caawinno dhisidda bulshooyin ay haweenka iyo carruurtu ku noolaan karaan iyagoo ka xor ah cabsi.
Markaad taageerto Nisa Foundation, waxaad suurtogal ka dhigaysaa isbeddelkaas. Deeqsinimadaadu waxay noo oggolaanaysaa inaan sii wadno bixinta hoy ammaan ah, la-talin, hagid xagga sharciga iyo maaliyadda ah, iyo agabka ay haweenku u baahan yihiin si ay nolosha dib ugu bilaabaan. Deeq kasta waxay ka caawisaa qof ka badbaaday rabshadaha, sida Zara, inay qaaddo tallaabadeeda ugu horreysa ee xagga madax-bannaanida iyo bogsashada.
Wax bixi maanta si aad gacan uga geysato joojinta meertada xadgudubka, una xoojiso haweenka iyo carruurta si ay ugu noolaadaan nabad, madax-bannaani, iyo sharaf — inta lagu jiro 16-ka Maalmood ee Ololaha iyo wixii ka dambeeyaba.